Seynisyahannada UK oo soo saaray hab cusub oo loo daweyn karo cudurka kansarka.

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nooc cusub oo daweynta xanuunka kansarka ah oo loo adeegsaday hal fayras oo qofka lagu durayo si loo burburiyo unugyada uu saameeyay cudurka ayaa laga muujiyay rajo aad u wanaagsan.

Tijaabo hordhac ah oo lagu sameeyay bani’aadamka ayaa horseedi karta guul taariikhi ah, sida ay sheegeen seynisyahannada UK.

Bukaan qabay kansar oo ka mid ahaa dadka tijaabada lagu sameeyay ayaa laga waayay cudurka, halka kuwo kalena ay saameynta aad uga yaraatay.

Daawadu waa fayras ka mid ah noocyada hargabka oo la daciifiyay, kaasoo dib loogu farsameeyay si uu u dilo unugyada kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here