Afar Xiddig Oo Barcelona Xalay Kaga Dhaawacmay Kulamada Caalamiga Ah & Xogta Xaaladooda.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulamada caalamiga ah ayaa ah kuwo ay kooxaha Yurub khaati ka taagan yihiin oo ay badi kaga dhaawacmaan xiddigo halbawlayaal u ah kooxahooda.

Sidaas ayaa xalay ku dhacday kooxda Barcelona oo xilli ciyaareedka ilaa haatan qaab fiican kusoo jirtay kana ducaysanaysay wax dhaawacyo ah kahor jadwalkooda cidhiidhiga ah ee bisha October.

Barca ayay ka dhaawacmeen xiddigaha kala ah Frankie De Jong iyo Memphis Depay oo xulka Netherlands metelayay kana hortagay Poland, Jules Kounde iyo Ousmane Dembele oo xulka France kaga hortagayay Austria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here