Ten Hag oo Durba Qorsheeyay Booska Uu Man United Kasoo Xoojinayo January & Xiddiga Uu U Doortay.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa u muuqda mid garanaya waxa uu doonayo oo sii qorshaynaya meelaha uu kasoo xoojin karo kooxdiisa suuqa qaboobaha ee bisha January.

Booska uu Erik xoojintiisa calaamadsaday ayaa ah midka No.9-ka wuxuuna u doortay da’yarka weeraryahanka kooxda Benfica ee Goncalo Ramos oo ah 21 sano jir kasoo baxay kuliyada da’yarta kooxdaas isla markaana kulankiisii koowaad u ciyaaray July 2020.

Bandhigyadiisa ayuu wanaajiyay xilli ciyaareedkii hore isaga oo 46 kulanoo tartamada oo dhan ah ugu soo dhaliyay 8 gool afar kalena soo caawiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here