Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo looga jawaabo abaaraha.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ergayga gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay shir doceed dhinac socda shirka Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee looga hadlayey badqabka cunta Afrika.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiiro, madaxda ka tirsan AU, khubaro, iyo ganacsato ayuu ergayga ka jeediyay khudbad uu  kaga hadlay in Soomaaliya ay haatan u bahaan tahay gurmad degdeg ah oo looga jawaabo abaaraha.

Ergayga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u baahantahay maalgashi iyo mashaariic horumarineed ee dhanka Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kaluumaysiga si looga hortago abaaraha soo noqnoqonaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here