RASMI: Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Atletico Madrid Oo Lasoo Saaray – Benzema, Vazquez & Xiddigaha Kale Ee Maqan

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid  ee kulanka horyaalka LaLiga ee Madrid Derby ee ay martida ugu noqonayaan, taas oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin xiddigo muhiim ah.

Vinicius Junior oo la sheegay in uu dalbaday in aan la ciyaarsiinin kulankan kaddib markii lagula kacay cunsuriyad keentay in si weyn ay u difaacaan xiddigaha reer Brazil ee ka ciyaara Yurub iyo xataa Pele oo hurdada uga soo toosay, waxaana la filayaa in uu kusoo bilaaban doono garabka bidix ee weeraraka.

Carlo Ancelotti ayaa go’aan ka gaadhi doona ciyaartoyga buuxinaya booska uu dhaawaca kaga maqan yahay Eden Hazard iyo Rodrygo Goes, hase yeeshee warka wanaagsan ayaa waxa uu yahay in Eder Militao uu dib ugu soo laabtay Madrid kaddib laba kulan oo uu dhaawac kaga maqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here