Uhuru Kenyatta oo Hoggaamin doona geeddi-socodka Nabadda ee dalalka Congo iyo Itoobiya.

0
129

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Uhuru Kenyatta u magacaabay Ergaygiisa Nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Itoobiya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa horay ugu lug lahaa dadaallada nabadeed ee labadan dal, kuwaas oo la tacaalaya jabhaadaha soo cusboonaaday iyo dagaallada socda, iyada oo doorka cusub ee Kenyatta ee ah ergeyga nabadda la soo dhaweyay.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in dhexdhexaadinta DRC iyo Itoobiya aysan noqon doonin caqabad yar.

Ruto ayaa sheegay in Kenyatta uu aqbalay howshaas, uuna ku shaqeyn doono isaga oo Kenya metelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here