Wafdi ka socda dowlada Shinaha oo loo diiday iney galaan baarlamaanka Britain

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afhayeenka aqalka baarlamaanka Britain, Sir Lindsay Hoyle, ayaa diiday codsi loo soo gudbiyey, oo ah in la galo Westminster Hall, sababo la xiriira cunaqabateynta Shiinuhu kusoo rogeen shan xildhibaan iyo labo saaxiibo la ah, Politico ayaa markii ugu horreysay sidaasi qortay.

Boqorada Elizabeth-da Labaad, ayaa lagu wadaa in halkaasi la dhigo, illaa iyo aaskeeda, oo ku beegan maalinta Isniinta ah.

Sannadkii hore, Shiinaha ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah, iyo xannibaad dhanka hantida ah kusoo rogay sagaal qof oo Ingiriis ah, oo ay ku jiraan toddobo xildhibaan, kadib markii ay Beijing ku eedeeyeen inay si xun ula dhaqanto Muslimiinta Uighur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here