Xiddig Weyn Oo Dusha Saartay Ciyaar Xumada Liverpool Ee Xilli Ciyaareedkan: “Aniga Ayaa U Sabab Ah”

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kooxda Liverpool ayaa dusha saartay mas’uuliyada ciyaar xumada Liverpool ee xilli ciyaareedkan.

Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu dareemayo inuu sabab u yahay qaab ciyaareedka liita ay Reds ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Daafaca dhexe ayaa kabtan u ahaa Liverpool madaama uu maqan yahay Jordan Henderson iyadoo Reds ay ku guuldareysatay inay soo bandhigto qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.

Liverpool ayaa badisay kaliya labo ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeysay horyaalka ee xilli ciyaareedkan halka ay guuldarro 4-1 ka soo gaartay Napoli kulankoodii furitaanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here