Gabar afduub ku qabsatay Banki ku yaalla Lubnaan oo hadal-heyn dhalisay.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney ayaa afduub ku qabsatay shaqaalaha banki ku yaalla magaalada Beirut ee dalka Lubnaan iyadoo dalbaneysa in ay u oggolaadaan in ay la baxdo lacag laga xayiray oo keyd u ahayd si ay walaasheed uga bixiso qarash ay ku iibsato dawooyin.

Gabadhan ayaa lagu warramay in ay bankiga ka tagtay markii la siiyey lacag dhan 13 kun oo Doollar. Ma cadda in la xiray gabadhaas iyo in kale.

Arrintan ay gabadhu ku qabsatay Bankiga ayaa sooctay muddo saacad ah.

Mudadii xaaladdu sooctay ayey gabadhu si toos ah muuqaalka ay usii deyneysay iyadoo dalbaneysa in la siiyo lacagta .

Waxaa la arkayey haweeneyda oo leh ”anigu halkan uma imaan in aan qof waxyeelleeyo laakiin waxaan u imid In aan lacag qaato.”

Si la mid ah arrintan ayaa nin waxaa uu qabsaday banki ku yaalla Aley isagoo dalbanayay in la siiyo lacag keyd u ahayd oo bankiga u taallay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here