Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Puntland, ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan u qareemida Tallaalka COVID-19.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Gobaleed Puntland Mudane Sayed Cumar Guuleed, Wasiir-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland Iyo Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland, Agaasimaha Adeegga caafimaadka asaasiga ah, mas’uuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay ardayda Jaamacadaha, Nabadoono, Haween iyo Dhalinyaro, Ciidamada Booliiska iyo Dadweyne kale.

Mr. Cabdirasaaq Abshir Hirsi Agaasimaha Caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Puntland oo shirka furay, ayaa ka hadlay muhiimada tallaalku leeyahay iyo sida bulshada looga rabo inay ka qeyb qaataan gaaritaanka inta ugu badan ee dadweynaha Puntland, waxa uu xusay in aduunku marayo caruurta in tallaalka la siiyo.

Cabdirasaaq Xagaa Madaxa Tallaalada Hay’adda UNICEF oo ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan wasaaradda Caafimaadka Puntland uga mahadcelinayaa qabsoomida kulankaan loogu qareemayo si bulshada inta ugu badan loo gaarsiiyo tallaalka si aan usoo gaarsiino ugu yaraan 50% kiiba, waxaana dawlada laga doonayaa inay ka qaybqaataan sidii loo laba jibaari lahaa wacyigalinta qaadashadiisa waxaa Puntland hada yaala in ka badan hal million oo xabo una baahan inaan ka faa’iidaysano.”

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland iyo wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo ka hadlay, ayaa dhankooda bogaadiyay ka soo qeybgalka u qareemida qaadashada tallaalka waxayna fariin u direen macalimiinta dugsiyada quraanka iyo kuwa Dugsiga kale qaadashada tallaalka.

Mudane Sayed Cumar Guuleed Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Puntland oo kulanka soo xiray ayaa yiri:-

“ Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo shirka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay ka soo qaybgalka kulankaan loogu qareemayo in la kordhiyo qaadashada tallaalka bulshadeena ee COVID-19 oo Wasaaradda xarumaha Caafimaadka inta ugu badan gaysay haday ahaan lahaayeen kuwa Dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaan farayaa bulshada Puntland inay qaataan tallaalkasi markale looga baaqsado dhimasho uu sababo xanuunka.”

“Dhamaan dadka ka soo qeybgalay waxaan idinkula dardaarmayaa inaad dadweynaha u sheegtaan inay heli karaan tallaalka meelkasta oo ay ugu tagaan kana qaataan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here