Bayern Munich Oo Lagu Dhegay, PSG Oo Guul Ciriiri Ah Gaartay.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhacdooyin waaweyn ayaa laga diiwaangeliyey kulamadii horyaallada waaweynaa ee maanta oo Sabti ah oo uu fasax ku jiray horyaalka Premier League, waxaana kufay kooxo waaweyn halka  kuwo kalena ay guulo cidhiidhi ah soo hooyeen.

Kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka Germany ee Bayern Munich ayaa natiijo niyad-jab ah kasoo hoysay kulan kaydla la dhigay Sadio Mane oo loo sii nasiyey ciyaarta Champions League ee Barcelona ee toddobaadkan, halka Borussia Dortmund guul-darro xanuun kulul loo xambaariyey.

Bayern Munich oo garoonkeeda Allianz Stadium ku martigelisay Stuttgart ayaa gashay barbarrihii saddexaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Bundesliga ay kasoo hoyso, waxaana laba gool oo ay dhaliyeen loogu jawaabay laba kale, halka gool saddexaad oo kooxda martida ahayd ay dhalisayna laga daayey oo ay VAR meesha ka saartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here