Jurgen Klopp Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Haddii Liverpool Ay U Ceyrin Doonto Sidii Chelsea Ay Eriday Tuchel.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababare Jurgen Klopp ayaa si cad uga hadlay haddii uu cabsanayo shaqadiisa Liverpool ka dib guuldaradii xasuuqa aheyd ee ka soo gaartay Napoli kulankoodii furitaanka Champions League.

Liverpool ayaa lagu jiid-jiiday magaalada Napoli kulankii furitaanka Group A ee Champions League iyadoo kooxda Talyaaniga ay Reds ku xasuuqday 4-1, waxaana taas sii dheereyd in Napoli ay rigoore iska sii qasaarisay.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyagoo durbaba wajahay hal guuldarro iyo seddex barbaro lixdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here