Ruushka iyo Shirkadaha shidaalka Oo ku heshiiyey in la yareeyo wax soo saarka shidaalka.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka ay ku bahoobeen shirkadaha shidaalka soo saara ee OPEC iyo xulafada uu hoggaamiyo Ruushku ayaa ku heshiiyey Isniintii, in wax yar la dhimo wax soo saarka shidaalka, si wax looga qabto qiimaha shidaalka ee sabbaynaya iyo weliba cabsida la xidhiidha hoos u dhac dhaqaale.

Dalalka soo saara shidaalka ayaa illaa 100,000 oo foosto ka dhimi doona shidaalka ay soo saaraan maalintii marka la gaadho bisha October, taasoo u dhiganta 0.1% baahida shidaalka ee caalamka.

Dalalka soo saara shidaalka ayaa sidoo kale ku heshiiyey in dalka Sucuudiga oo ah hoggaamiyaha dalalka soo saara shidaalku inuu isugu yeedhi karo shir aan caadi ahayn, haddii qiimaha shidaalku uu fadhiisan waayo ama loo baahdo in dib loo eego.

Go’aankan ay qaateen dalalka ku bahoobay ururka OPEC ayaa wuxuu xalaadda ku haynayaa sida ay haatan tahay, iyada oo ururku uu si dhow indhaha ugu hayo qiimaha shidaalka ee isbedbedelaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here