Qiimaha gaasta ee Adduunka oo cirka isku shareeray.

0
123

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ruushka ayaa xiray dhuun gaasta dabiiciga ah geysa dalka Jarmalka oo lagu magcaabo Nord Stream 1, isagoo ku sababeeyey xidhitaanka dhuuntan inay la xidhiidho dayartir lagama maarmaan ah oo lagu samaynayo marawaxadaha dhuunta. Ruushka ayaa sheegay in dayactirku uu qaadanayo muddo saddex maalmood ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Yurub ayaa ka horyimi doodda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha Ruushku inuu “hubaynayo” tamarta.

Sannadkii hore Ruushku wuxuu dalalka Yurub u iibgeeyey 40% gaasta dabiiciga ah ee ay u baahan yihiin.

Hase ahaatee toddobaadyadii u dambeeyey, Ruushku wuxuu dhimay gaasta uu sii mariyo dhuunta Nord Stream 1 taas oo haatan gaadhsiisa dalalka Yurub illaa 20% gaastii mari jirtay. Ruushka ayaa isagu ku doodaya in xidhitaankan ugu dambeeyey uu la xidhiidho cunaqabataynada ay wadamada reer galbeedku saareen dhaqaalaha dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here