QM oo ka digtay musiibo ka dhalan karta Marka ku ciladoobay Biyaha Baddacas

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa masiibo aad u weyn oo ka dhalan karta, shidaal ku daata Badda Cas oo ah marin biyood aad u muhiim ah, haddii aan xal degdeg ah loo helin shidaalka ku kaydsan Markab nooca shidaalka qaada ah oo xumaaday oo taagan meel u dhow xeebaha dalka Yemen.

Markab lagu magcaabo FSO Safer oo uu ku kaydsan yahay shidaal ka badan illaa hal million oo foosto ayaa taagan meel u dhow xeebaha dalka Yemen. Markabkan ayaa ah mid aad u duugoobay, waxaana la joojiyey shaqadii dayac-tirka ahayd ee laga qaban jiray, ka dib markii uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee dalka Yemen, sannadkii 2015.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in kharashka ku baxaya hawlgalka lagaga hortegayo inuu daato shidaalka ku kaydsan markabkani inuu gaadhayo illaa $80 oo dollar, kaas oo soconaya muddo bilo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here