Laba duuliye oo shaqada laga joojiyey, ka dib markay ku dhex dagaalameed diyaaraddii ay wadeen.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jariirad ka soo baxda dalka New Zealand, oo daba gal ku haysay shidaal marar kala duwan ka daatay shirkadda diyaaradaha ee Air France, ayaa sidoo kale daabacday in laba duuliye oo ka tirsan isla shirkaddani inay ku dhex dagaalameen qolka diyaaradda laga wado, intii ay ku guda jireen, duulimaad isaga kala safrayey Geneva iyo Paris, bishii June ee sannadkan.

Jariidadda La Tribune ayaa sheegtay inuu khilaaf soo kala dhex galay duuliyaha iyo kaaliyihiisa, kaas oo isu rogay inay ku dhex dagaalamaan qolka laga wado diyaaradda, waxaana markiiba soo dhex galay qaar ka mida shaqaalaha diyaaradda. Warbixinta uu daabacay wargeysku ayaa sheegaysa, in mid ka mida shaqaalaha diyaaraddu uu ku sugnaa qolka laga wado diyaaradda, intii ka hadhay duulimaadkaas.

Sarkaal u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey labada duuliye, isla markaana wuxuu xaqiijiyey, in safarkii duulimaadka ee labada duuliye ay ku dhex dagaalameen inuu si nabad ah u gaadhay halkii uu u socday, iyada oo aanu gacan ka hadalkoodu saamaynin intii ka hadhay safarka duulimaadka.

Sarkaalka u hadlay shirkadda Air France ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay hubiyaan bedqabka duulimaadyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here