Chelsea Oo Ku Dhaw Saxiixa Daafac Kale Oo Aad Loo Qiimeeyo.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta RB Leipzig Iyaga oo ka doonaya saxiixa daafaca dhexe ee Josko Gvardiol inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa waxana uu daafaca dhexe u arkaa xiddig mustaqbal ku leh kubada cagta kadib qaab ciyaareed fiican oo soo bandhigay.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, chelsea ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga iyada oo kula wareegi doonta lacag dhan 77 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here