Caruus udhashay Wadanka Nigeria oo ku dhintay xafladdii arooskiisa.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbaahinta Nigeria ayaa tebisay dhacdo “argagax gelisay” dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Enugu, kaddib markii lix ruux oo uu ku jiray nin caruus ah ay ku geeriyoodeen xafladdi arooskiisa.

Ninka arooska ahaa, oo magaciisa lagu sheegay Obinna Dieke, ayaa ka mid ahaa ganacsatada magaalada Markurdi ee gobolka Benue.

Chinedu Dieke, oo la dhashay ninka arooska ahaa ee dhintay ayaa BBC Pidgin u sheegay in gabadhii uu walaalkiis guursanayay walaalkeed, Joseph Ogbonna iyo labo wiil oo uu dhalay, Chijindu iyo Obinna ay sidoo kale ku dhinteen dhacdadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here