Wakiilka Cristiano Ronaldo Oo Saxiixa Xiddiga Mar Kale U Soo Bandhigay Koox Premier League Ah.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa heshay fursad cusub oo kale oo ay kula saxiixan karto xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Wakiilka xiddigu Blues mar kale u soo bandhigay saxiixa xiddiga 37 jirka ah.

Ronaldo ayaa aad u doonaya in uu isaga tago kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ugu biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League.

Si kasta ha ahaatee Ronaldo ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in uu koox helo iyada oo ay kooxo badan iska diideen saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay wargayska The Independent, Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa mar kale la xidhiidhay chelsea si uu ugu soo bandhigo saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mendes u sheegay maamulka Blues in uu Cristiano Diyaar u yahay in uu sii joogo premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here