fatahaadaha Pakistan oo saameeyey 33 milyan oo qof ah.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 million oo qof, iyada oo daadadkaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Isbedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay Isniintii, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn.

Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.

Maamulka Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (NDMA), oo hogaaminaya ka jawaabista, isku dubaridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bini’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ayaa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto masiibo ka dhalatay roobabku.

NDMA waxay xustay in ugu yaraan 1 milyan oo guri, 162 buundo ama biriij, iyo ku dhawaad 3,500 kilomitir oo waddooyin ah inay waxyeelo soo gaadhay ama ay daadadku burburiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here