Tababaraha Ajax Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Ay Man United Ku Dhawdahay Saxiixa Antony

0
134

Jowhar ( Radio Isnaay) Tababaraha Kooxda Ajax ee Alfred Schreuder ayaa sheegay in uuna waxba ka ogayn horumar walba oo laga sameeyay baacsiga ay Man United ugu jirto saxiixa Antony waxana uu dhaleeceeyay go’aanka Ajax hadii ay iibiso xiddiga.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Ajax kala heshiisay saxiixa xiddiga Antony iyaga oo ka bixin doona xiddiga reer Brazil lacag ku dhaw 100 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay wargayska De Telegraaf, go’aanka Ajax ku aqbashay dalabkii ugu dambeeyay ee Man United ayaa lagu soo waramayaa in uu khilaaf soo kala dhex dhigay maamulka Ajax iyo tababaraha.

Markii tababare Alfred Schreuder wax laga waydiiyay in ay Man United ku dhawdahay saxiixa xiddiga waliba kula wareegayso 99 milyan ayuu u sheegay ESPN” Waxa aan ka dhigi lahaa 100 milyan kadib waan ogolahay, waa in aad waydiiso agaasimaha kooxda arintan”.

“Laakiin Nasiib xumo aduunkeenii ayaa sidan noqday, kaliya lacag laakiin anigu arimahan oo kale ma ogoli in ay nagu dhacaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here