Benzema Oo Waqtigii Geerida Guul Ku Hogaamiyay Real , Espanyol Ayay Ka Taqaluseen

0
176

Jowhar ( Radio Isnaay) Ka dib ciyaar qeybta labaad , Real lagu adkeeyay waxa ay dhamaadkii guul muhiim ah ay ka gaareen Espanyol oo ay uga talaabsadeen 3/1

Sheekada ciyaarta :  Espanyol iyo Real waxa ay nasiinada ku aadeen bar bar dhac min hal gool ah xilli Real ay qeybtaas hore gacan sareeysay

Is fahan iyo bandhig wacan ayay muujiyeen Real qeybtaas hore iyaga aya ku horeeyay goolka ee uu dhaliyay JR balse dhamadkii ayaa la bar bareeyay

Qeybta labaad Espanyol , waa halis gilinayeen Real waxaana fursado xaqiiq ahaa u diiday goolhayaha Real

Espanyol kubad deg degsiimo iyo kalsooni leh ayay ciyaareen waa ayna ku dhiiranayeen weerar ay ku qaadaan kooxda martida kuwaasi oo u muuqday in ay ka hoosyeen heer ciyaaredkii qeybtii hore inkastoo ay jirtay fursado xaqiiq ahaa oo loo diiday .

Dhamaadkii ciyaarta waa ay furneyd labada dhinac isku dayo kala duwan ayayna sameeynayeen

Real xalka ayaa ka maqan , waxa ayna ka sheeganayeen deg degsiimo iyo neerfoosnimo taasi oo  keeneysay in kubadda si sahal u qasaariyaan

Si kastaba , Benzema ayaa waqtigii geerida u dhaliyay goolka guusha gaar ahaan daqiiqadii 88-aad ka dib kubad uu ka shaqeeyay Rodrygo, waxaan  Espanyol la siiyay kaar casaanka waqtigii dheeriga ilaa Real heleen gool sedexaad isla Benzema ayaa dhaliyay waxa ayan ciyarta ku dhamaatay 3/1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here