Japan oo 30-bilyan ku bixineysa horumarinta qaaradda Africa.

0
126

Japan ayaa Sabtidii ballan qaadday 30 bilyan oo doolar oo gargaar loogu talagalay horumarinta qaaradda Afrika, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay si dhow ula shaqeyso qaaradda, xilli nidaamka caalamiga ah uu khatar geliyey duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee u dhexeeya Japan iyo Afrika ee ka bilowday Tunisia, ayuu Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida sheegay in Tokyo ay ka shaqayn doonto sidii loo xaqiijin lahaa shixnadaha badarka ee u socda Africa, xilli ay dunidu wajaheyso cunna yari caalami ah.

“Haddii aan ka tanaasulno nidaamka ku dhisan qawaaniinta oo aan oggolaanno isbeddello hal dhinac ah oo si xoog ah aan ku beddelno xaaladda jirta, taasi ma ahan saameyn ku baahi doonto Afrika oo kali ah ee waxa ay gaari doontaa dunuda oo dhan,” ayuu yiri Kishida oo si fogaan arag ah uga qeybgalay shirka ka dib markii laga helay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here