5 Xiddig Oo Khadka Dhexe Ah Oo Ay Liverpool U Dhaqaaqi Doonto oo la ogaaday.

0
129

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu suuqa u gali doonto xiddig khadka dhexe ah ka hor inta aan la gaadhin 1 bisha September.

Reds ayaa aad ugu baahan xiddig khadka dhexe ah kadib markii ay dhaawacyo soo gaadheen xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Jooga.

Liverpool ayaa dhaawac ku wayday xiddigaha Alex Oxlade-Chamberlain, Thiago, Naby Keita & Curtis Jones kuwaas oo dhamaantood seegaya kulamada soo socda.

Dhaawacyada ayaa keentay in uu Klopp badalo go’aankiisa suuqa kala iibsiga xagaaga isla markaas uu la soo saxiixdo xiddig khadka dhexe ah.

Wargayska Mirror ayaa soo saaray Liiska 5 xiddig oo khadka dhexe ah oo ay Liverpool u dhaqaaqi karto ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Xiddigaha Youri Tielemans, Jude Bellingham, Moises Caidedo, Frenkie de Jong Iyo Houssem Aouar ayaa ah xiddigaha ay Liverpool midkood u dhaqaaqi karto xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here