Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka oo sheegtay in dalal Soomaaliya ay kujirto in macluul qarka uu saaranyihiin.

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika in ka badan 40 sano ayaa u muuqata inay sii socon doonto kadib markii Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ay sheegtay Jimcihii in saadaasha bilaha Oktoobar iyo Disembar ay muujinayso suurtagalnimada xaalado qallalan ka sarreeya kuwii hore.

Saadaasha ugu dambeysay waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca hay’adaha gargaarka oo bilihii lasoo dhaafay ka digayay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaarta ka jirta Itoobiya, Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid tahay halista macluul kale oo ka dhacda Soomaaliya kadib mid halkaas ka dhacay toban sano kahor oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof.

“Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, waxaan qarka u saaranahay masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag,” ayuu yiri Guleid Artan, Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Urur ICPAC.

Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, waxaana sabab u ahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine, kaasi oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in inka badan 80 milyan oo qof oo ku nool toddoba waddan ee ku yaalla gobolka – Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda – lagu qiyaasay inay haysato cunto yari.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ahaayeen carruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here