Chelsea Oo Ku Dhaw Saxiixa Wesley Fofana’

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Leicester ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah ka gaareen saxiixa Wesley Fofana.

Labada kooxood ayaa wadahadalo ku jiray dhowr todobaad waxaana ay haatan ku heshiiyeen 21 jirkaan kaas oo ka dhigi doona daafaca ugu qaalisan kubada cagta adduunka sida uu sheegay RMC Sport.

Qiimaha ay Blues ka bixinayso xiddiga reer France ayaa kor u dhaafaysa 80 milyan oo euro taas oo ahayd lacagtii laga bixiyay daafaca ugu qaalisan markii ay Man United Kooxda Leicester City kala wareegtay xiddiga Harry Maguire.

Chelsea ayaa dalabkii 4-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga si ay Leicester City ugu qanciso in ay ka iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara.

Leicester ayaa horay u diiday dalabyo dhan 60, 70 iyo 75 kuwaas oo ay aaminsanayd in ay ka yar yihiin qiimaha ay ku qiimayso xiddiga.

Fofana ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea waxana uu xitaa maamulka Kooxdiisa ka codsaday in uu doonayo ku biirista Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here