DEG-DEG: Chelsea Oo Isaga Baxday Baacsiga Wesley Fofana Kadib Markii Leicester City Ka Diiday Dalabkii 3-aad.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaan ka baxday baacsiga ay ugu jirto xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara Leicester City ee Wesley Fofana sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa ka baxday baacsiga Wesley Fofana kadib markii ay Liecester City kooxda chelsea ka diiday dalabkii 3-aad oo dhamaa 70 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay SunSport, Tuchel ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga 21 jirka ah laakiin Leicester City ayaa diiday isku dayada Blues taas oo keentay in ay dareenkeeda u jeediso xiddigo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here