Dal Afrikaan ah oo internet bilaash ah siinaya shacabkiisa.

0
158

JOWHAR  (Radio isnaay)-Uganda ayaa lagu wadaa inay dalka oo dhan ku rakibto 2,000 oo goobood oo qadka Wi-Fi ah.
Mashruucan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo khadka internet-ka ee Uganda.
Intarneet-ka waxa isticmaali doona xafisyada dowladu xiliyada shaqada halka dadwaynuhu marka ay dhamaadaan saacadaha shaqada ee iyo maalmaha fasaxa ah.
Dowladda ayaa horey goobo ka tirsan magaalooyinka gobollada iyo caasimadda Kampala,ugu xirtay internet bilaash ah inkastoo dadka dhaliila ay sheegayaan in internet-ka uu yahay mid diciif ah.
Goobaha dheeraadka ah ayaa lagu rakibi doonaa internet meel kasta oo ay ku yaallaan kaabayaasha laf-dhabarka u ah ee dawladda.
Mashruucu waa qayb ka mid ah Barnaamijka dardargelinta dhijitaalka ah ee Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here