Arsenal Oo Hogaaminaysa Kooxo Halis Ugu Jira In Suuqa Laga Ganaaxo.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in lagu daray Liiska Kooxo ay UEFA baadhitaan ku bilowday sabab la xidhiidha in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga maadama ay 213 milyan suuqa galisay 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Xeerka UEFA ayaa kaliya ogolaanaya in ay bixiso lacag dhan 30 milyan oo euro muddo 3 sano ah laakiin Gunners ayaa lacag badan galisay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Xagaagii hore Arsenal ayaa ahayd kooxda lacagta ugu badan suuqa iyaga oo suuqa galiyay lacag dhan 150 milyan oo euro halka ay xagaagan sidoo kale lacag badan suuqa galisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here