Ten Hag Oo Ka Hadlay Sababta Ronaldo Iyo Maguire Uu Keydka U Dhigay Iyo Waxa Ka Caawiyay Guusha Liverpool

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababare Ten Hag ayaa hoosta ka xariiqay  in United ay  soo bandhigeen ciyaar qurxoon , waxa uuna ammaan ugu qubeeyay Fernandes iyo Varane  oo uu sheegay in ay muujiyeen tilmaan hogaamineed

” Waxaan u sheegay ciyaartooyda in aan dagaalnno muujinno geesinimo , waan ku adkeeyay in kulankaan sameyno wax muuqda” ayuu yiri Ten Hag .

” Waxaan aaminsanahay in Bruno dhiira gilin uu ka qaaday calaamadda kabtanimo waxaan hubaa in isaga iyo Varane is badel muuqda keeni doonaan ”

Mar uu ka hadlayay arinta suuqa waxa uu yiri ” waxaaan horay u sheegay in aan dooneyno in aan kooxda keenno xididgo munaasib ku ah, suuqa weli ma uusan xermin , ma aha in aan ciyaartoy uun iska keenno waxaan ka eegeynaa dhanka tayada”.

Arinta uu keydka ku fariisiyay Ronaldo iyo Maguire ayuu  Ten Hag yiri ” go`aan adag ayuu ahaa balse waan qaatay waayo koox ayaan haystaa waana qasab in aan adeegsanno  waayo 50 ama 60 kulan ayaan ciyaareynaa waana qasab in aan qiimeyn badan sameyno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here