Ra’iisal wasaaraha Finland oo iska baartay daroogo kaddib muuqaal laga faafiyay.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisal wasaaraha dalka Finland, Sanna Marin ayaa sheegtay inay iska baartay daroogo, kaddib markii laga faafiyay muuqaal la soo dusiyay oo mujinaya iyadoo qoob ka ciyaar sameynaysa.

Marine, oo sodon iyo lix sano jir ah ayaa dhaleeceyn kala kulantay muuqaalkaasi, iyadoo siyaasiinta qaar ay soo jeediyeen inay iska baarto daroogo.

Shir jaraa’id oo ay qabatay ayaa Marine waxaa ay ku sheegtay, inay daroogo iska baartay, isla markaana natiijadu soo bixi doonto todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here