Qaramada midoobay oo sheegtay inay macluul soo food saartay 22 malyan oo ruux oo ku nool Afrika.

0
139

JOWHAR  (Radio isnaay)-Jimciyada Quruumaha Kadhaxeysa, ayaa sheegtay in 22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, ay qarka u saaran yihiin macaluul, iyadoo kolkii hore ay tiradu aheyd sagaal milyan bilowgii sanadkan.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunnada ee WFP, ayaa sheegtay in afar xilli roobaad oo xiriir ah oo baaqday ay horseedeen inay qarka u saaran yihiin macaluul dadka ku nool dalalka Kenya, iyo Itoobiya.

In ka badan hal milyan oo qof, ayaa ka hayaamay hoygoodii, iyagoo baadi goobaya cunno iyo biyo.

Hey’adda u qaabilsan caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO, ayaa waxay sheegtay in dunidu u tabaabusheysato wax ka qabashada sidii looga hortagi lahaa macaluul isku badali karta masiibo.

Yabooh lacageed oo aheyd in lagu deeqo bishii Janaayo  ee sannadkan ayaa sidii looggu tala galey lacagihii aanay usoo xaroon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here