Miyuu Casemiro Ka Hor Tagi Doonaa Liverpool?

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saxafiga reer Spain ee Guillem Balague ayaa shaaca ka qaaday fursadaha xiddiga Casemiro ee ka hor tagista kooxda Liverpool xilli lala xidhiidhinayo Man United.

Red Devils ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Casemiro si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Guillem Balague ayaa sheegay in ay Real madrid isku diyaarinayso bixitaanka Casemiro inkasta oo uuna xiddigu u war galin kooxda Real iyo tababare Ancelotti.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uuna xiddiga reer Brazil ciyaari doonin kulanka Liverpool sabab la xidhiidha in loo baahanyahay in la diwaan galiyo jimcaha galinka dambe si uu uga hor tago Liverpool.

Man United ayaan wali heshiis buuxa kala gaadhin Real Madrid saxiixa xiddiga Casemiro iyada oo ay labada kooxood wali wadahadalo ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here