Real Madrid Oo Man United U Sheegtay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Casemiro

0
108

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna Albkaaka ka xidhin in ay iska iibiso xiddiga Casemiro xagaagan laakiin waxa ay Man United ka dalbatay lacag aad u badan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Man United ayaa saacadihii ugu dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo ay Red Devils doonayso in ay ku xoojiso kooxda.

Sida laga soo xigtay Onda Cero, Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay Man United ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Casemiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Los Blancos ayaa dalbatay lacag dhan 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe kaas oo ay u aragto mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Casemiro ayaa laf dhabar u ahaa Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kooxda kula guulaystay 4 champions League iyo waliba koobab kale oo uu ka mid yahay La Liga.

Man United ayaa Casemiro ka dhigaysa xiddigaha ugu mushahaharka badan hadii uu ku biiro kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here