Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Pierre-Emerick Aubameyang

0
123

Jowhar  (Radio Isnaay) – Sida laga soo xigtay saxafiga Gerard Romero, kooxda chelsea ayaa dalab 27 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Barcelona ayaan ilaa haatan ka jawaabin dalabka chelsea waxana la rumaysanyahay in ay Kooxda reer Spain ka fiirsanayso dalabka ka hor inta ayna go’aan ka gaadhin.

Xavi ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si kasta ha ahaatee kooxda ayaa laga yaabaa in ay go’aamiyaan in ay iibiyaan xiddiga sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xuma ee ay kooxdu ku jirto.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Barcelona qaab lacag la’aan ah ugu sooo biiray kooxda Barcelona suuqii January kadib markii ay Arsenal kansashay heshiiskiisa.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga reer Gabon ku soo celiso London si ay ugu buuxiso booska xiddigaha Lukaku iyo Werner kuwaas oo ka tagay kooxda xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here