Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddiga Everton Ee Anthony Gordon.

0
462

Jowhar (Radio Isnaay) –Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Everton ee Anthony Gordon sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga ugu fiican kooxda Everton ee Anthony Gordon si  ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, chelsea ayaa dalab 40 milyan oo euro miiska u saartay Everton si ay u hesho xiddiga da’yarka ah ee qaab ciyaareed fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Laakiin kooxda Everton ayaa isla markiiba diiday dalabka ay chelsea ka soo gudbisay xiddiga Anthony Gordon kaas oo ay u aragto xiddig muhiim u ah kooxdeeda.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub kula laaban doonto Everton iyaga oo markan heshiiska ku dari doona xiddigo kooxdeeda ah oo Uu Frank Lampard Doonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here