Hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Raila Odinga oo ku horreeya tartanka madaxtinimada dalkaasi.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa ku horreeya tartanka madaxtinimada dalkaasi, sida ay muujineyso natiijada rasmiga ah ee codadka ilaa hadda la tiriyay, waxaana uu madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto ku jiraa kaalinta labaad.

Iyadoo la tiriyay wax xoogaa ka badan 26%(26 boqolkiiba), Odinga ayaa haysta 54% codadka la tiriyay halka Ruto uu haysto 45%, sida ay tilmaameyso natiijada ay Sabtida maanta ah soo gudbiyeen guddiga doorashada Kenya taasi oo lagu muujiyay shaashadaha waaweyn ee caasimadda Nairobi.

Dalka ugu qanisan uguna xasilloon Bariga Africa ayaa Talaadadii qabtay doorashada madaxweynaha, tan baarlamaanka iyo tan dowladaha hoose.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta, oo aan xilkan u tartami karin maadaama uu labadiisii muddo xileed dhameystay. Kenyatta oo ay isqabteen Ruto ka dib doorashadii u danbeysay ayaa hadda taageeraya Odinga.

Tirinta codadka rasmiga ah ayaa si tartiib ah u socota, taasi oo sii xoojineysa walaac dadweyne.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa eedeyn u jeediyay wakiillada xisbiyada, kuwaasi oo loo oggol yahay in ay hubiyaan natiijada ka hor inta aan lagu darin tirada guud ee codadka la tiriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here