Hordhac: Man City Vs Bournemouth.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda ku soo laabatay premier League ee Bournemouth kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Man City oo guul ku bilaabatay difaacashada horyaalka premier League ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha premier League isla markaas gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale kooxda Bournemouth oo guul gaadhay kulankeedii ugu horeeyay ee premier League markii ay ku soo laabatay Premier League ayaa doonaya in ay sii wadaan guulaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here