Jowhar (Radio isnaay) –Warbixin soo baxday ayaa sheegeysa, in tirada dadka ku barakacay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya inay haatan kor u dhaafeen illaa hal milyan oo qof.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Soomaaliya inay haatan isu bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
FAO xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay inay u baahan yihiin illaa $130 milyan oo dollar si ay si buuxda ugu fuliso qorshaheeda ka hortagga macaluusha, kaas oo loogu talo galay inuu caawiyo illaa hal milyan oo qof oo ku nool dhulka baadiyaha ah.
Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in illaa 500 oo caruur ahi inay u dhinteen nafaqo-darro ka dhalatay abaaraha daran ee jira.
Abaaraha kajira xilligaan dalka ayaa saameeyay dadka iyo duunyada kunool meelo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana meelaha qaar kajirta macluul keentay in in ka badan 50 carruur ah ay u dhinteen cudurro looga shakisan yahay inay abaaruhu keeneen.