Pierre-Emerick Aubameyang Oo Loo Soo Bandhigay Koox Premier League Ah.

0
172

Jowhar (Radio isnaay) – Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in saxiixiisa loo soo bandhigay kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa suuqii January ku biiray Barcelona isaga oo qaab xor ah ugu biiray kooxda reer Spain.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ciyaaray 23-kii kulan ee ugu dambeeyay Barcelona xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 13 gool.

Si kasta ha ahaatee mustaqbalka xiddiga reer Gabon ayuu shaki soo galay kadib imaatinkii Robert Lewandowski ee kooxda.

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga todobaadydii la soo dhaafay iyada oo Blues u aragto badalka xiddigaha Timo Werner iyo Romelu Lukaku oo ka tagay kooxda.

Haatan sida laga soo xiganayo Independent, Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga reer Gabon si ay u helaan inta lagu jiro suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here