Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Ay Ugu Jirto Youri Tielemans.

0
171

Jowhar (Radio isnaay) –Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Youri Tielemans sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu wali suuqa ku jirta isla markaas doonayso saxiixyo cusub bishan iyada oo la fahamsanyahay in uu khadka dhexe doonayo in uu xoojiyo.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans kaas oo dhankiisa hal sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Leicester City.

Sida laga soo xigtay football.london, Leicester City ayaa dalbanaysa lacag dhan 32 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga khadka dhexe ee Tielemans suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Arsenal diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta ay Leicester City dalbanayso maadama uu xiddigu xor noqon doono xagaaga.

Sidaas darteed Gunners ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Tielemans iyada oo sugaysa in ay xiddiga xor kula wareegto xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here