Real Madrid Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaha Ay Kaga Hor Tagi Doonto Eintracht Frankfurt

0
145

Jowhar ( Radio Isnaay) – Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Eintracht Frankfurt kulanka UEFA Super Cup ee dhici doona Arbcada.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Eintracht Frankfurt kulanka UEFA Super Cup ee ay wada ciyaaraan kooxaha ku kala guulaysta Champions League iyo Europa League.

Tababare Ancelotti ayaa soo xushay dhamaan xiddigihiisa muhiimka ah isaga oo doonaya in uu koob ku bilowdo xilli ciyaareedka cusub.

Saxiixa cusub ee Tchouameni ayaa ka mid ah xiddigaha uu tababaruhu soo xushay isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee Rasmi ah u ciyaari kara kooxda.

Sidoo kale daafaca cusub ee Rudiger ayaa ka mid ah liiska xiddigaha uu Ancelotti soo xushay kagana hor tagi doono kooxda reer Germany

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here