God weyn oo aan la garaneyn cid qoday oo lagu arkay dalka Chile.

0
148

JOWHAR  (Radio isnaay)-Mas’uuliyiinta dalka Chine ayaa sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan god aad u wayn oo hoos u qodan oo aan la garanayn waxa uu yahay.

Godkan ayaa dalkaas lagu arkay maalintii Sabtida, waxa uuna ku yaallaa meel u dhow goob macdanta laga qodo oo ku taalla dhinaca waqooyi ee waddankaas.

Muuqaal ay duubtay diyaarad ay kaamiro ku xiran tahay oo nooca uusan duuliye saarnayn ah ayaa muujiyay godkaas oo lagu arkay agagaarka dhul ay macdanta ka qoddo shirkad laga leeyahay Canada.

Arrimaha mucjisada ah ee lagula yaabay godkan waxaa ka mid ah in uu marba marka ka dambaysa sii fidayo, iyadoo aan loo jeedin cid qodaysa.

Waaxda Qaran ee Adeegga Dhulka iyo Macdanta ee Chile ayaa koox khubarro ah u dirtay aaggaas, si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan.

Godka waxa uu ku yaallaa meel qiyaastii 665km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Santiago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here