Diidiin dhaawac ah oo kala xayiray labo magaalo oo ka tirsan UK

0
135

JOWHAR  (Radio isnaay)-Diidiin aad u wayn ayaa hakad geliyay tareenno kaddib markii la arkay isagoo ku socda waddadii tareennada.

Xayawaankan oo dhaawac ah ayaa laga helay meel u dhow waddada Harling oo ku taalla dhinaca waqooyiga-bari ee xaafadda Thetford oo ka tirsan deegaanka Norfolk.

Halkaas waxaa mara waddada tareennada ee isku xirta magaalooyinka Cambridge iyo magaalada Norwich, taasoo uu gebi ahaanba uu isu socodkeeda xayiray diidiinkan.

Shirkadda tareennada ee Greater Anglia ayaa shegetay in ilaa saddex khad oo gaadiidkaas ay isticmaalayeen ay saamayntu gaartay kaddib markii uu

meesha waddada marin ka dhigtay Diinka.

Xaywaankan ayaa la sheegay in uu lumay maalintii Axadda, haddana loo qaaday xarun xayawaannada lagu xannaaneeyo. Waxaa laga dawaynayaa dhaawac kasoo gaaray tareen ku dhacay.

Xarun lagu iibiyo xayawaanka la dhaqdo ayaa sheegtay in in diinka uu qolofka ka dillaacay marka uu tareenka ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here