Cudurka Furuq-Daanyeerka oo markii ugu horreysay lagu arkay Suudaan.

0
148

JOWHAR  (Radio isnaay)-Dowladda Suudaan ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Furuq-Daanyeerka laga helay ardey 16 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Darfur.

Wasaarada caafimaadka Suudaan ayaa sheegtay in kiiskan uu yahay kii ugu horeeyay ee laga helay dalkaasi.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in cudurka Furuq-Daanyeerka uu yahay dhibaato caalami ah oo deg deg ah.

In ka badan 21,000 qof ayaa laga helay cudurka guud ahaan caalamka, sida laga soo xigtay xarunta Mareykanka ee ka hortagga cudurrada faafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here