Barcelona Oo Loo Soo Bandhigay Badalka Jordi Alba.

0
180

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda RB Leipzig ayaa doonaysa in ay iibiso xiddiga Angelino waxana lagu soo waramayaa in ay saxiixiisa u soo bandhigtay kooxda Barcelona sida laga soo xigtay wargayska Diario Sports.

Kooxda Barcelona ayaan wali helin xiddig booska kula tartami doona xiddiga Jordi Alba waxana laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Spain kaas oo ay horay xiiso ugu qabtay saxiixiisa.

Barcelona ayaa xiddiga 25 jirka ah kula soo saxiixan karta qaab amaah ah ka hor inta ayna toos ula wareegin xagaaga dambe.

Angelino ayaa ka mid ah xiddigaha daafaca Bidix ka ciyaara ee weerarka badan ee haatan ciyaara kubada cagta iyada oo uu xiddiga reer Spain dhaliyay 3 gool iyo 12 caawin 43 kulan oo uu ciyaara.

Tababare Xavi ayaa Angelino u arka xiddig nasin kara ama booska kula tartami kara xiddiga Jordi Alba oo ay sanadihii ugu dambeeyay ku dhibaatoonaysay in ay badalkiisa hesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here