Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa Ee Suuqa Xagaaga.

0
182

Jowhar (Radio Isnaay) Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay rabitaanka Arsenal ee ah inay samayso saxiixyo cusub oo kale suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gunners ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddigaha Fabio Vieira, Marquinhos, Matt Turner, Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko suuqa kala iibsiga ee haatan.

Inkasta oo ay suuqa ku kharag gareeyeen wax ka badan 130 milyan oo euro hadana Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigaha Youri Tielemans iyo Lucas Paqueta kuwaas oo haatan ku kala sugan Leicester City iyo Lyon.

Isagoo hadlayay ka dib markii ay 6-0 kaga badiyeen Sevilla, Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Weli waxaan rajeyneynaa inaan sameyno saxiixyo kale hadii uu suuqu noo ogolaado”.

“Waxaad aragteen xoogaa dhaqdhaqaaq ah maalmihii la soo dhaafay sidoo kale, waxaan rabnaa inaan xiddigo iska fasaxno, hadii ay arintaas noo suurtagalayso iyo hadii kale waa sheeko kale”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here