Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii 3-aad Ee Suuqa Xagaaga.

0
199

Jowhar (Radio Isnaay) Chelsea ayaa qarka u saaran inay Gabriel Slonina kala soo wareegto Chicago Fire ka dib markii ay heshiis 15 milyan euro ah kula soo wareegtay goolhayaha Mareykanka.

Blues ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay xiisaha ay u qabto Slonina horaantii xagaagii laakiin waxa ay u muuqatay in Real Madrid u waynayso saxiixiisa maadama ay Los Blancos soo gashay tartanka.

Real madrid ayaa ugu yaraan laga diiday Hal dalab oo ay ka gudbisay saxiixa Goolhayahay si kasta ha ahaatee Chelsea ayaa haatan qarka u saaran saxiixa Goolhayaha.

ESPN ayaa sheegtay in Chelsea ay heshiis afka ah la gaartay 18 jirkaan, kaasoo 33 kulan u saftay Chicago Fire tan iyo markii uu u soo biiray kooxda koowaad 2021.

Warka ayaa intaas ku daraya in Slonina uu haatan ku waj

 

ahanyahay London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda una saxiixa heshiis wakhti fog ah.

Goolhaye Slonina ayaa ku laaban doona Magaalada Chicago si loo soo bandhigo ka hor inta aanu amaah dib ugu laaban kooxdiisa haatan chicago Fire

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here