Cristiano Ronaldo Waxa Uu Ku Biiri Lahaa Liverpool Hadii……?

0
171

Cristiano Ronaldo wax daacadnimo ah uma hayo Manchester United, wuxuuna ku biiri lahaa Liverpool haddii uu awoodo, sida uu sheegay Gabby Agbonlahor.

Xiddiga Red Devils, oo 37 jir ah, ayaa weli isku dayaya inuu ku qasbo inuu ka tago Old Trafford si uu ugu tartamo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

In kasta oo 18 gool oo horyaalka ah uu ka dhaliyay Premier League hadana Man United ayaa ku dhibaatootay xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ka ciyaari doona tartanka Europa League.

Wakiilka Ronaldo ayaa ilaa haatan kooxo badan soo bandhigay saxiixa xiddiga iyada oo ayna ilaa haatan jirin koox dalab Rasmi ah ka soo gudbisa saxiixiisa.

Halyeeyga Aston Villa Agbonlahor ayaa sheegay in ayna Ronaldo dhib yeelan doono inuu ku biiro koox ay xafiiltamaan si uu u gaaro U Jeedkiisa xirfadeed.

“Cristiano Ronaldo waxa uu ku biiri lahaa Liverpool xagaagan, hadii uu awoodo,” Agbonlahor ayaa u sheegay talkSPORT.

“Waxa ay Liverpool si weyn ula xafiiltantaa Man United laakiin Mar walba Ronaldo ayaa raadsada dantiisa”.

“Waxa uu aadi doonaa meel kasta oo uu ka ciyaari karo tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here