4 Kooxood Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Timo Werner

0
156

Jowhar (Radio Isnaay)- Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u yahay 4 kooxood suuqa xagaagan.

Xilli uu ku jiro labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa chelsea, Werner ayaa ku lug lahaa 23 gool iyo 21 caawin 89 kulan oo uu u ciyaaray Blues.

Xiddiga reer Germany ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii chelsea ee champions League xilli ciyaareedkii 2020/2021 laakiin xiddiga ayaan joogto ugu ciyaarin kooxda Tuchel.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, 4 kooxood oo waaweyn ayaa doonaya saxiixa xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxaha Juventus, Borussia Dortmund, RB Leizpig & Newcastle United Ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Xiddiga ayaa dhankiisa u furan in uu isaga tago kooxda chelsea suuqa xagaagan si uu ugu biiro koox uu joogto uu ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here